Xisbul-Islaam yaanu noqon Xisbul Dagaal

1

Waa maxay sababta keentay in wadaadada qaarkood ay waqtigan shacabka ku dhex dagaalamaan iyadoo waliba ay maanta wadaadada qaarkood haystaan awooda ugu saraysa ee hogaanka Soomaalidu? Wadaadadan dagaalamyaa ma waxa ay u soo halgaamyeen in ay soo celiyaan nidaam iyo kala danbayn mise waxa ay rabeen in ay buuxiyaan meeshii(booskii) laga eryay dagaal ogayaashii iyaga ka horeeyay? Dawlad miyay rabaan –wadaadadani- mise qas iyo fawdo? Hadii ay ku guulaystaan-wadaadani- ridida dawlada Shariifka maxay soo wadaan oo ay ku badali doonaan Sheekha iyo dawladiisa? Horta Fikir siyaasadeed ma xambaarsan yihiin –wadaadadani-muxuuse yahay fikirkoodaasi? Dagaaladan hadii ay sii wadaaan-wadaadani- ma laga yaabaa in ay dhaawacaan mashruucii siyaasdeed/diineed ee wadaada Soomaalidu ay mudada dheer u soo halgamaayeen? Su’aalahani waxa ay ka mid yihiin su’aalaha ay dhaliyeen dagaalada maalmahan ka socda magaalada Muqdisha ee ay ku lug leeyihiin ururka la baxay Xisbul-Islaam- oo ah urur mideeyay qaar ka mida wadaadadii la dagaalamay Itoobiyaanka waqtigii ay Itoobiyaanku haysteen Koonfurta Soomaaliya. Maqaalkan waxa aan ku eegi doonaa qaar ka mida jawaabaha su’aalahan.

Faham Qalooca

Taariikhda Islaamku waxa lagu soo wariyaa in ay jiri jireen koox marka uu qofku arko cibaadadooda iyo Quraan akhriskooda uu is odhanayo yaa kuuwaas oo kale kaa dhiga. Waxa la soo wariyaa in hadii mid kuwaas ka mid ahi uu xabad timira ah ama cinab ah uu meel ka helo oo marka uu afka galiyayo uu xusuusto in aanu fasax u haysan in uu cuno -xabadaas timirta/cinabka ah- in uu markiiba soo tufi jiray isaga oo iska ilaalinaya in uu Xaraan quuto. Isla qofka sidaas isu ilaalinaya ayaa waxa dhici jirtay in uu banaysto daadinta dhiiga Asxaabtii Nabiga –Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee- waayo asxaabtaas uu dilayaa waxa ay diideen fahamkiisa qaldan ee uu kaasi ku fasirtay Nusuusta Quraanka qaarkood. Sidoo kale waxa la soo wariyaa in koox reer Ciraaq ahi ay u yimaadeen mid ka mida asxaabtii Nabiga (NNKH) kadibna ay waydiiyeen in dhiiga Keneecadu uu nijaas yahay iyo in kale!. Asxaabigii inta uu la yaabay ayaa waxa uu waydiiyay ragii su’aasha waydiiyay xaga ay ka yimaadeen ? Waxa ay ugu jawaabeen Ciraaq. Kor intuu u eegay ayuu ku yidhi “Reer Ciraaqoow waxa aad banaysateen daadinta dhiigii caruurtii uu Nabigu (NNKH)awoowga u ahaa, markaas baad I waydiinaysaan nijaasada dhiiga kaneeecada …arinkiinu waa arin lala yaabo (waxa uu la yaabay sida ay arimuhu agtooda ugu kala muhiimsan yihiin)”. Sidaas ayuu noqdaa fikirka qofku marka uu qofka fahamkiisu qaldamo. Ma lihi kumana doodayo- sida ay qorayaal kale oo Soomaaliyeed ku doodeen- in qolooyinka Xisbul-Islaam ay yihiin khawaarij la mida kuwa aan kor ku sheegay laakiin fahamkooda siyaasadeed iyo kooda diineedba waa mid qalooca oo aan la garanayan meel uu ku tiirsan yahay iyo meel uu u socdaba. Hadii ay fahamkan ku sii socdaana aakhirka waxa uu gaadhsiin doona meel fog oo laga yaabo in ay adkaato sida ay uga soo noqdaan. Soomaali badani waa ay garab istaageen waana ay taageereen ragan wadaadada ah waqtigii ay la dagaalamayeen ciidankii Itoobiyaanka, laakiin maalin kasta oo ay sii wadaan dagaalkan aan ujeedadiisa la garanayan isla markaana ay shacbi badani naftooda ku waayaan dagaaladan, waxa ay kooxdani lumin shacbiyadii iyo taageeradii ay ka helayeen shacabka.

Tajaaribtii Itaxaadka yaan la soo Celin

Iminka ma aha markii ugu horaysay ee koox wadaadada Soomaalida ahi ay dagaal iskaga hor yimaadaan Soomaali kale. Dagaaladii ay ururkii Itaxaadku sagaashamaadkii ku dagaalameen meelo kala duwan oo dhulka Soomaalida ah ayaa dagaaladan ka horeeyay. Natiijadii ka dhalatay dagaaladaasi waxa ay ahayd in dhaliinyaro fara badan oo umadooda iyo diintoodaba wax tari lahaa ay ku naf waayaan dagaaladaas. Natiijooyinka kale ee ka dhashay dagaaladaas waxa ka mid ahaa in dagaaladaasi ay bilow u ahaayeen burburkii ku dhacay ururkii Itaxaadka oo ahaa urur ka mid ahaa ururadii ugu waaweyn ee Islaamiyiinta Soomaalida ee waqtigaas. Wadaadadii (Itixaadka) ee sagaashamaadkii dagaalamayay waxay ku doodi jireen in ay la dagaalamaynaa nidaam cilmaaniya oo diidan in shareecada Islaamka la isku xukumo laakiin qoladan Xisbul–Islam iyo inta ay isku fikirka yihiin waxa ay la dagaalamayaan waa maamul aan diidanayan in shareecada wax lagu xukumo oo ay waliba hogaaminayaan rag diintooda iyo fikirkooda la garanayo. Dhaliinyara badan oo ka mida dhaliinyarada ururadan dagaalamaya ku jiraa waa dhalinyaro aananu ka shakisnayn in ay umadooda wanaag la doonayaan, laakiin marar badan niyad wanaagsan oo aan faham toosan iyo istaraatiijo cadi la soconi waxa ay horseedaan bur bur iyo in markasta eber (sifir) laga soo bilaabo. Dhawr iyo tobon sano ka dibna ma aha in qaar ka mida wadaadadu ay dib ugu laabtaa istaraatijiyooyinkii fashilmay ee sagaashamaadkii.

Arinkii aan la wada helayn badhkiis lama diido

Waa qaacido sharciya in arinkii aan la wada helayn aan la diidin badhkiisa la helayo. Kuma doodayno in Dawlada Shariifku aanay khaladaad lahayn, sidoo kale kuma doodayno in tajribadani ay 100% najixi doonto amaba aanay mari doonin halkii ay mareen tajaarintii ka horeeyay. Waxaan se ku doodaynaa in tajribadani ay tahay fursad ay Islaamiyiinta Soomaalidu ku muujin karaan in ay diyaar u yihiin in ay qabtaan hogaamiyaana talada Soomaalida. Sidoo kale waa fursad ay ku soo bandhigi karaan waxa ay kaga duwan yihiin dadkii uga horeeyay hogaanka Soomaalida. Wadaadadu waxa ay maanta haystaan fursad ay ku keeni karaan inta ka dhiman ahdaafta ay rabaan in ay xaqiijiyaan…ee yaanay fursadaas iska dayicin. Waa in la kabaa inta ka dhiman mashruucan ay qaybtiisii hore ku guulaysteen Sh.Shariif iyo intii la socotay. Aragtida qoraagan dawladani waa mid sida ay ku timid aan dhaliil ka madhnayan laakiin hadana waa fursad hadii la dayaco ay waqti dheer qaadan doonto soo celinteedu. Yaan la dayicin Fursadan madaafiicda masaakiinta shacabka ah dusha lagaga keenayana ha lagu difaaco mashruuca dawlada.

Siciid Cali Axmed
maqaalo.siciid.cali@gmail.com

One Response

  1. Anonymous says:

    Very well done

Leave a Reply

© 2009 Dacwada. All rights reserved.
Proudly designed by Theme Junkie.