|

Waddaado sumcadda Islaamka yaan god lagu ridin

Shicaarka (astaanta) mashruuca siyaasiga ah ee waddaadada Soomaaliyeed waxa uu ahaa keenista dawlad Islaamiya oo ku dhisan shareecada Islaamka; dawlad keenaysa nabad, xasilooni, walaaltinimo iyo baraawaaqo. Shirkii Jabuuti ee Sheekh Shariif madaxwaynaha loogu doortay iyo dagaaladii ka danbeeyay ee u dhaxeeyay dawlada Shariifka iyo wadaada mucaaradka ku ahi se waxa ay khayaali ka dhigeen shicaarkan waddaadada. Dagaalada-mudooyinkan danbe- Muqdisho ku soo noqnoqonayaa waxa ay burburiyeen rajadii shacbka Soomaaliyeed ee ahayd in -hadii ay taladii wadanku gacanta u gashay xoogaga Islaamiyiinta- uu isbadal wayn oo wanaagsani noloshooda ku dhici doono. Is faham la’aanta iyo dagaaladan u dhaxeeya labadan dhinac ee Muqdisho ku dagaalamayaa waxa ay god ku rideen mashruucii siyaasadeed ee Islaamiyiinta Soomaalida. Taageerayaasha mashruucani waxa ay marar badan is waydiinayaan cida ka masuulka ah in mashruucoodii xadaariga ahaa uu iminka u eekaado mid god ku sii dhacaya. Sadarada soo socda waxaan ku eegi doonaa cida iska leh masuuliyada arinkaas iyo waxa la gudboon dhinacyadan is haya.

Sheekh Shariif

Lama inkiri karo doorkii uu Sheekh Shariif ku lahaa hogaamintii kacdoonkii maxkamadaha Islaamiga. Sidoo kale lama inkiri karo furfurnaanshaha siyaasadeed ee uu sheekhu muujiyay waqtigii dagaalada lagula jiray ciidamadii Itoobiyaanka. In uu xal siyaasadeed ku kabo kii qorigu waxa ay ahayd talaabo geesinimo. Guushii uu ka soo hooyay shirkii Jabuuti waxa ay ahayd mid ay ku farxeen dad badan oo Soomaaliyeed oo filayay in uu Sheekhu muftaax u noqon karo xalinta mushkiladaha Siyaasadeed ee ka taagan Koonfurta Soomaaliya. Intaas oo jirta hadana wixii ka danbeeyay doorashadiisii waxa uu hoos u dhac wayni ku yimid doorkiisii hogaanimo. Waxa muuqda in hogaamintii dawladiisu ay cid kale gacanta u gashay. Wadaadku waa uu ku guulaysan waayay qancinta amaba kala furfurka mucaaridkiisa taas oo ahayd arinka ugu wayn ee laga filayay. Waxa ay dawladiisu ku mashquushay arimo yar yar oo aan mudnayn in waqtigan muhiimad wayn la siiyo. Maalinba maalinta ka danbaysa siyaasadaha dawladiisu waxa ay u muuqanayaan qaar aan waxa wayn ka duwanayn siyaasadihii dawladihii ka horeeyay dawladiisa. Waxa daciifay saamayntii ay Islaamiyiintu ku lahaayeen dawladiisa, waxaana xoogsaday saamaynta dagaal ogayaasha ee dawladiisa. Sheekhu waa uu ka faa’idaysan kari waayay taageeradii xooganayd ee ay shacbigu(culimo iyo caamaba) u hayeen isaga iyo dawladiisa. Si kooban Sheekhu waxa uu lumiyay doorkiisii hogaanimo, taasina waxa ay ka mid tahay sababaha sii dheeraynaya khilaafaadka u dhaxeeya dawladiisa iyo mucaaradka ka soo hor jeeda, waxa kale oo ay sabab u tahay in ay yaraato kalsoonidii iyo taageeradii uu shacabku u hayay maamulka waddaadada oo ay in badani iminka u arkaan in aanu waxba ka duwanayn kii dagaal oogayaasha.

Xisbul Islaam Iyo Al Shabaab

Xisbul Islaam iyo Alshabaab waxa ay door wayn ka ciyaareen halgankii lagu saaray Itoobiyaanka. Halgankaas waa ay ku saxsanaayeen. Laakiin wixii ka danbeeyay bixitaankii Itoobiyaanka waxa ay labadan urur caqabad wayn ku noqdeen sidii xal loogu heli lahaa mushkilada siyaasadeed ee Soomaalida. Ilaa iminka ma muuqato waxa uu yahay mashruucooda siyaasiga ah ee ay rabaan in ay ku xaliyaan mushkilada siyaasadeed ee Soomaalida. Diidmada qayaxan ee ay diidayaan in ay wadahadal la galaan dawalada Sheekh Shariif waxa ay calaamad u tahay bisayl la’aanta siyaasadeed ee hogaamiyaasha ururadan. Dagaalka ay ku yaboohayaan Al Shabaab ee dhaafsiisan xuduuda Soomaalidu ma aha mid u khidmaynaya danata Soomaalida. Waxa uu Soomaalida u samaynayaa cadaw badan oo aanay awood u lahayn in ay la dagaalamaan, sidoo kale wax uu dhulka Soomaalida ka dhigayaa meel ay ku loolamaan quwado is hirdinaya oo aan dan ka lahayn maslaxada shacabka Soomaaliyeed. Ururadani (Shabaabka iyo Xisbul Islaam) waxa ay arimaha u kala horay siin la’ayihiin sida ay u kala horeeeyaan. Waxa ay daciifiyeen doorkii Islaamiyiinta ee dawlada Sh.Shariiif. Qaacidada ah “ama Aniga ama waxba hagaagi maayaan” ee ay waddaadadani ku socdaan waa qaacido ka hor imanaysa nusuusta Islaamka iyo caqliga toosanba. Waa qaacido luminaysa kalsoonidii ay wadaadu ka heli lahaayeen shacbiga ay rabaan in ay maamulaan. Waa qaacido adakaynaysa in nidaam Islaamiya oo saxi uu ka hanaqaado dhulka ay Soomaalidu ku nooshahay. Dagaalada joogtada ah ee ay labadan urur kula jiraan dawlada sheekh Shariif – shaki la’aan- iyana waxa ay daciifinaysaa mashruucii shareecada Islaamka ee ay (wadaadadni) ku dhawaaqayaan in ay hirgalintiisa doonayaan.

Culimada Musaalaxada

Waa qaacido sharciya oo Islaamiya in hadii ay laba qolo oo Muslimiini ahi ay is laayan, heshiiskooda laga shaqeeyo. Hadii ay heshiiska qolo diidona waa in qoladaas dhinac laga wada istaago ilaa ay qoladaasi xaqa u soo noqonayso. Sidaa daraadeed waa arin wanaagsan oo loo baahnaa in culimada Musaalaxadu ay isku dayeen in ay labada kooxood ee dagaalamaya heshiisiyaan, laakiin markii ay qolo dhagaysan wayday may ahayn in ay aamusaan. Hadii ay culimadan musaalaxadu hadli lahaayeen, umada u cadyan lahaayeen cida heshiiska diidan , isla markaana shacbiga fari lahaayeen in qoladaas dhinac laga wada istaago, hadii ay culimadu sidaas yeeli lahaayeen waxa ay u badan tahay in wax uun la badbaadin kari lahaa. Aamuska culimada Soomaalida ay intooda badani ay ka aamuseen dagaalada Muqdisho, qaarkoodna ayba u sifeeyeen FITNO ay tahay in laga dhex boxo ma caawin xal u helida mushkilada dhex taala waddaadada dagaalamaya. Waxaanay wax u dhimaysaa uun sumacadii iyo mashruucii waddaadada Soomaalida .

Xalku waa…

Xalku waa in uu Sheekh Shariif doorkii laga rabay ciyaaro. Waa in uu saaxada ku soo noqdo hadii aanu waxba ka qaban karin dhibta jirtana waa in uu xilka uu hayo iska casilaa. Qolooyinka(Xisbul Islaam iyo Al Shabaab) waa in ay xisaabtooda dib u eegaan. Hadii ay maslaxada iyo danta Soomaaliyeed ka fakarayaan waa in ay ogolaadaan heshiis iyo wada hadal ay ka garnaqayaan culimada Muslimiintu. Culimadu waa in ay cadeeyaan xaqa, waa in aanay afka xidhan. Cidii Maslaxad diida waa in ay shacabka kor iyo hoosba ugu sheegaan isla markaana waa in ay ka qaybqaataan jabinta kuwa heshiiska diidan. Arinta maanta miiska saarani ma aha Al-shabaab, Xisbul Islaam iyo Dawlada Sh.Shariif. Waa mustaqablkii umada iyo mashruucii Islaamiga ahaa ee la doonayay in umada lagu badbaadiyo. Intii danaynaysa mashruucaasi waa in ay dhinac ka wada istaagaan kuwa raba in ay mashriicaas god ku ridaan.

Siciid Cali Axmed

Maqaalo.siciid.cali@gmail.com

Short URL: http://dacwada.com/?p=7

Posted by on Jun 19 2009. Filed under Maqaalo : Siyaasad. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Waddaado sumcadda Islaamka yaan god lagu ridin”

  1. Salaamucalaykum Walaalayaal!
    Jisaakumulaah walaalkeyna fikrad sax ayuu sinayaa culumada taas waa in ay cadeeyaan culumada islaamka ah laguna racaa taladee soo gudbiyaan! Xaqa halacadeeyo
    Wabilaahi toofiq

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • Sahal: Salaamucalaykum Walaalayaal!Jisaakumulaah walaalkeyna fikrad sax ayuu sinayaa culumada taas waa in ay...
  • Anonymous: Very well done
  • Anonymous: Mahadsanid siciid
  • Anonymous: acwwakhii salaanta islaamka kadib waxaan kaaga mahad celiniyaa sida wanaagsan ee aad xilka isaga saartey...
  • Anonymous: mahadsanid